Uncategorized

Xukuumada Soomaliya oo Sheegtay in 4 December uu shir ka furmi doono muqdisho.

Muqdisho-KNN-C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow ) Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay u diyaar garoobeyso shirar caalami ah oo dhici doona bilowga bisha December ee sanadkan,waxaa uuna sheegay in Shirarkan oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo).

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in  4-ta December uu Muqdisho ka furmi doono shirka looga hadlayo amniga.

Eng.Yariisor ayaa Sidoo kale Sheegay in  5-ta bisha December uumuqdisho ka dhici doono shirkale oo isna loogu magic daray (Somali Partnership Forum), kaasi oo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa sidii shirar caalami ah loogu qaban lahaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.