Somali News

Xukuumadda oo Gargaar Raashin iyo Dawo isugu jira gaarsiisay deegaanada Sabiiib iyo Caanoole

Afgooye-KNN- Wafdi Ballaaran oo ay kamid yihiin wasiirada difaaca, gargaarka, caafimaadka, wasiir ku-xigeennada arrimaha gudaha iyo xildhibaan maxamed Cumar Dalxa ayaa gaaray deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo kamid ah deegaannadii dhawaan laga xureeyay AL-shabaab.

Wafdiga ayaa waxa ay deegaanadaas gaarsiiyeen gargaar isugu jira Raashin iyo Dawo oo ay dawladdu ugu talo gashay qoysaska  deegaanka oo baahi xooggan u qabay in caawimaad lala gaaro.

Wasiirrada oo bulshada deegaanka la hadlay ayaa u sheegay in dawladdu ay garab taagantahay, baahiyaha ay bulshadu qabaanna  ay daboolayso dhammaan adeegyada lagama maarmaanka u ahna laga hir-gelin doono.

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deeganada Sabiid iyo Caanoole oo Koonfur kaga beexan magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa horay sidaan oo kale gargaar ugu qaybiyay dadka ku nool xaafadaha kala duwan ee deegaanka markii ay deegaanadaas kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.