Somali News

Xukuumadda oo lagu eedeeyay dib u dhaca kalafadhiga 6-aad ee golaha shacabka

Muqdisho-KNN-27-kii bishan oo shalay ku beegneed ayuu ahaa qorshuhu in uu furmo,kalfadhiga 6-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse taasi wali ma dhicin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay guddoonka golaha shacabka oo ku aadan waxa sababay baaqashada kalafidhiga baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka oo la hadlay KNN ayaa ku eedeyay xukuumadda federaalka in ay hortaagantahay furitaanka kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sida ay sheegeen xildhibaanadaas ay shaqo muhiim ah hortaallo golaha shacabka.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay tahay Dastuuri in uu furo kal-fadhiyada golaha shacabka, iyadoona haatan uu ku sugan yahay Madaxweynuhu dalka Mareykanka, islamarkaasina la sheegay in uu ka qeybgali-doono shirka Wadamada Afrika iyo Ruushka dhex-maraya, waxaan intaasi uu noqonayaa golaha shacabka mid sugaya, in uu furitaanka Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan ka daawo warbixinta oo intaas ka dheer:-