Somali News

Xukuumadda Soomaaliland oo war ka soo saartay banaanbixii ka dhacay Hargeysa

Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaantay banaanbixii ay maanta Hargaysa ka dhigeen xisbiga mucaaradka ee Wadani, waxayna ciidanka fartay in ay ka hortagaan mudaharaadyada kale ee ay mucaaradku ku baaqeen.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sharci daro ku tilmaamay banaanbixii ay maanta sameeyeen xisbiyada mucaaradka Somaliland, isagoo sheegay in loola dan lahaa in nabadgalyada lagu khal khal galiyo.

Wasiirka ayaa sidookale sharci daro kale ku tilmaamay mudaharaadyada ay mucaaradku shacbiga ugu baaqeen in ay iskugu soo baxaan maalinta Sabtida ee 11 bishan Juun.

Wasiir Kaahin ayaa dhamaan ciidamada kala duwan faray in ay talaabo ka qaadan oo ay ka hortagaan mudaharaadka ay mucaaradku qorsheeyeen in uu dhamaan gobolada Somaliland ka dhaco maalinta Sabtida, isagoo sheegay in uu yahay mid sharci daro ah oo aan loo marin wado saxa.