Somali News

Xukuumadda Soomaaliya oo dhambaal mahad-celin ah u dirtay Somaliland.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay odayaashii maalmo ka hor Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminayay odayaashii dhaqanka ee la kulmay Madaxweynaha Somaliland ee uu ku soo wareejiyay 19-ka maxbuus ee cafiska uu u fidyay ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka warbixin ka siiyay sidii loogu soo dhaweeyay Hargeysa.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay inuu Muuse Biixi ku amaanayo soo dhaweynta Soomaalinimada leh ee uu ku qaabilay odayaashii ka socday Koonfurta Soomaaliya ee Hargeysa ka doontay Wiilashooda sanadaha badan xabsiga ku jiray.

RW ku-xigeenka dalka ayaa sidoo kale odyaasha dhaqanka uga mahad celiyay gacanta ay ka geysteen in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay xorriyaddooda dib u helaan, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii wadaan kaalintooda oday dhaqameed ee bulshada dhexdeeda ay ku leeyihiin.

Odayaashii uu la kulmay RW Ku xigeenka ayaa ka dalbaday in la soo daayo oo iyana cafis loo fidiyo mawaadiniin kale ee dhallinyarada uu cafiska u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi ay isku xukun ahaayeen, kuwaas oo intooda badan ku kala xiran Xabsiga dhexe ee Xamar iyo xabsiyada maamulka Puntland.