Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) ayaa waxa uu ka dalbaday siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan u adeegsiga Ciidamada qalabka sida arrimaha siyaasadda dalka
Waxa uu sheegay in isbadal walba oo lagu sameeyo hoggaanka Ciidanka ay ahayd mid lo arkayay in la burburinayo , isla markaasina xukuumadda lagu eedayn jiray, balse taa badalkeeda ay ciidamadu wax badan ka faa’iideen iyagoona la yimid isbadallo muuqda , waa sida uu hadalka u dhigaye.
Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda ayaa aad u dhaliilay isbedellada joogtada ah ee lagu smaeynayay ciidamada iyaga oo arrintaasi ku micneeyay mid lagu gaabinayo howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee maamula qeybo kamid ah dalka.
Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli marar kala duwan ay Xukuumadda Soomaaliya isbadallo ku samaysay hoggaanka ciidamada dawladda .


