Somali News

Xukuumadda Soomaaliya oo Soo bandhigtay Qorshaha amniga ee labada Sano ee soo socota.

Muqdisho-KNN-Xasan cali kheyre R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir la qaatay wasaaradaha iyo hay’adaha ku wada jira tubta Amniga iyo Caddaaladda, iyada oo halkaasi lagu soo bandhigay qorshaha amniga iyo caddaaladda looga shaqeyn doono dalka labada sano ee soo socto.

Qorshahaan ayaa lagu sheegay mar haddii si hagaagsan loo dhaqan geliyo uu wax badan ka badali doono amniga iyo caddaaladda dalka kaasi oo dul duleelo uu ka muuqdo sida haatan la sheego.

Wasiirudowlaha Xafiiska R/wasaaraha Cabdulaahi Xaamud ayaa ka warramay qorshayaasha la soo badhigay iyo sida ay wax uga tari karaan sare u qaadidda amniga iyo caddaaladda dalka.

Shirkaan amniga iyo caddaaladda dalka looga hadlay ayaa kusoo aadaya xili magaalada muqdisho ay ka dhacayeen beryahaan dambe dilal qorsheesan iyadoona dhanka kale ay jirto cabasho ku aaddan hannaanka garsoorka dalka.