Muqdisho-KNN-Xulafada uu hoggaamiyo Sucuudiga ayaa duqaymo ay ku bartilmaamayd sanayaan falaagada Xuutiyiinta ka gaystay caasimada dalkaasi ee Sancaa sida laga baahiyay Tv’ga Boqortooyada Sucuudiga.
Duqaymaha ayaa sigooni ah loola eegtay xarumo military oo ay Xuutiyiintu kuleeyihiin magaalada ay maamulaan ee Sancaa.
Duqaymahan ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ay Xuutiyiintu weerareen garoon ku yaala gudaha Sucuudiga.
Masuuliyiinta Sucuudiga ayaana ku sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen illaa iyo 26 ruux.
Isbahaysigan Sunniga’ah oo taageero ka helaya wadamada reer galbeedka ayaa ku biiray dagaalka Yemen sanadkii 2015’kii si ay xugunka ugu soo celiyaan dowlada uu caalamu aqoonsanyahay.
Colaada Yemen waxaa ku dhintay inkabadan 10,000 oo ruux iyadoona Qaramada Madoobe Yemen u aqoonsatay in ay kajirto xaalad bini’aadannimo tii ugu liidatay ee caalamka soo marta.