Somali News

Xulalka Galmudug iyo Hirshabeelle oo maanta ciyaaraya kama dambeysta Tartanka Dowlad Goboleedyada

Ciyaar xiiso badan ayaa lagu wadaa in galabta garoonka stadium Muqdisho ku dhex mareysa Ciyaartoyda Xulalka Dowlad Goboleedyada  Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ciyaarta oo ah tii ugu dambeysay ayaa muhiimad gaar ah u leh Labada xul ee ciyaaraha, waxaana kii guulleysta uu si rasmi ah u qaadi doona Koobka Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada iyo gobolka banaadir ayaa si xiiso leh uga socday maalmihii la soo dhaafay garoonka Istaadiim Muqdisho, iyada oo ay ka soo qeyb galaan kumanaan taageerayaal ah.

Saacadaha hore ee maalin kasta ayay sii tagaan taageerayaasha si ay u daawadaan ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka.