Sports

Xulalka Soomaaliya iyo Tanzania oo Maanta Ciyaar kulul ku dhexmari doonta Dalka Burundi.

Muqdisho-KNN-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17ka sano ayaa u soo baxay cayaarta kama dambaysta ah ee koobka CECAFA U17 ee ka socda Burundi, ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Uganda oo ay Semifinalka wada ciyaareen.

Xulka Soomaaliya ayaa goolka ay guushu ku raacday waxaa u dhaliyey daqiiqaddii 70aad ee qaybtii labaad ee cayaarta Farxaan Maxamed Axmed oo qaata lambarka 11aad, cayaar ka dhacday magaalada Gitega.

Cayaarta kama dambaysta ah ayey ciyaartoyda da`a yarta ee Soomaalilyeed maanta la ciyaari  doontaa da`a yarta dalka Tanzania oo iyadana 2-1 uga soo badisay Kenya.

Xulka qaranka ee Soomaaliya ayaa hore uga soo baxay guruubka ay ku jireen kaalinta 1aad, ka dib markii ay 1-0 uga soo badiyeen Kenya oo iyadana kaalinta 2aad ku soo baxday.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiiradda dhallinyarada iyo cayaaraha ee Soomaaliya oo la hadashay Idaacada Kulmiye guushaas ka dib ayaa tiri “waan u hambalyeynayaa dhallinyarada xulka qaranka Soomaaliya, abaalmarin ayeyna leeyihiin xataa haddii aysan koobka qaadin”.

Sidoo kale Marwa Khadiija ayaa sheegtay in haddii ay koobka qaadaan Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17ka sano ay abaalmarin qiime badan guddoonsiin doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Ciyaartaan oo maanta ka dhaceysa garoonka Ngozi Stadium ee dalka Burundi, una dhaxeysa Soomaaliya iyo Tanzani ayaa ciyaartaas waxaa goob joog ka ah Guddoomihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, iyo xubno kale oo u sacaba tumi doono Da`ayarteena Soomaaliyeed ee gaaray heer ay ku soo jiiteen indhaha dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.

Waa guushii ugu horraysay ee nooceeda ah ee uu gaaro xul qaran soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ku jirtay.