Garoonka Jaasim Bin Xaamid ee Kubadda Cagta ah caawa waxa ay ciyaar adag ku dhex mari doon taa Xulka Qaranka Soomaaliya oo dhowaan ceyriyay Macalinkoodi kasoo jeeday dalka Maroko iyo Xulka qaranka Dalka Cuman kuwaas oo wada ciyaaraya Koobka wadamada Carabta ee ka socda dalka Qadar.
Koobkan waxaa xiiso gooni ah u yeelaya in ay xulalku ku ciyaarayaan garoomada loo diyaariyay in lagu qabto koobka aduunka sanadka 2022 ee dalka Qadar ka dhici doona.
Ciyaartii ugu dambeeysay ee is diyaarinta xulkeeni Qaranka Soomaaliya oo ay la dheeleen xulka Jabuuti waxaa looga awood badiyay 1gool iyo eber marka loo eego kulamdii xulka Cuman ay dheeleen oo Guul ay kusoo gaba gabeeyeen is diyaarintoodi.
Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ka dhex muuqda ciyaartooy intooda badan xiriirka Soomaaliya ee Kubadda Cagta uu kasoo xulay Wadamada Yurub inkastoo dib loosoo celiyay kuwo laga xulay Horyaalka gudaha ee Soomaaliya.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa waqti hore shaqada ka eryay tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliya Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, kaddib markii sida ay sheegeen uu erayo ‘aflagaado’ ah u adeegsaday ciyaartooyda xulka oo tababar ku qaadanaayay waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Bayaan ka soo baxay xiriirka Kubadda Cagta ayaa lagu sheegay in Salef oo heysta dhalashada waddanka Belgium la eryay saddex todobaad kaddib markii uu la wareegay shaqada tababarenimo ee xulka Soomaaliya oo isku diyaarinaya ciyaaraha Carabta oo caawa ay wajahayaan Xulka Cumaan.


