Sports

Xulka Qaranka Soomaaliya oo galabta laciyaaraya qaranka Uganda Semifinalaha tartanka Cecafa ee 17-jirada.

Muqdisho-KNN-kulan xiisa badan ayaa galabta la dhowraya xulka somaliya oo galabta laciyaaraya xulka Uganda

OGAYSIISKA CIYAARTA.

Semifinalah Tartanka Cecaf under 17 2018
Somalia VS Uganda
Tanzania VS Kenya
Saacada:-3:30pm

Xulka Somaliya waxa uu ku soo gali doonaa shaxdii ay kaga badiyeen qaranka kenya waana shax xoogan

Xulka Qaranka Soomaali ayaa galabta waxa uu wajahi doona qaranka Uganda Semifinalaha tartanka Cecafa ee 17-jirada .

Somalia ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday iyadoo wadata 7 dhibcood Guruub A Halka Uganda ay afar dhibcood kaga soo baxday kaalinta labaad Garuubka B .

Isla waqtigaas ciyaar kale ayaa dhax mari doonta wadamada Tanzia iyo Kenya .

Labada kulan ayaa waxaa marti gelindoono garoomada kala ah Gitega Stadium iyo Umuco Stadium,

Finalaha tartanka xulalka da’yarta 17-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxaa la ciyaaridoonaa 28-April 2018 waxaana marti gelino garoonka Ngozi Stadium ee isla dalka Burundi oo tartanka sanadkan marti galinayo.

Qalinkii:Aadam Aqyaar.