Sports

Xulka Soomaaliya oo Ay Da’doodu Ka Yartahay 17-da Oo Gaaray Fiinaalaha tartanka CECAFA Cup.

Muqdisho-KNN-Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta waxa uu gaaray kama danbaysta  tartanka Cecafa ee 17-jirada iyagoo ka adkaaday xulka Uganda.

Kulan xiisa badan ayuu ahaa natiijo ay ku farxaan dadyowga somalida ayayna soo hooyeen wiilsha da’da yar iyagoo 1 iyo 0 Kaga  talaabsaday xulka Uganda Goolka qura xulka Somaliya waxaa u dhaliyay Farxaan Duqow qaybtii labaad ee ciyaarta.

Somaliya ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday iyadoo wadata 7 dhibcood Guruub A Halka Uganda ayaa afar dhibcood kaga soo baxday kaalinta labaad Garuubka B guul ayaana galabta ay gaareen xulka somaliya taas oo kasaaciday inay hiigsadaan kama danbaysta tartankan.

Isla waqtigii galabtay ciyaar kale ayaa dhax martay  wadamada Tanzania iyo Kenya waxaan guul gaaray xulma Tanzania iyagoo guul 2 iyo 1 ah kaga adkaaday xulka Kenya .

Finalaha tartanka xulalka da’yarta 17-jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxaa la ciyaaridoonaa 28-April 2018 waxaana marti gelin doono garoonka Ngozi Stadium ee isla dalka Burundi oo tartanka sanadkan marti galinayo.

Waxaana maalinimada Axada kama danbaysta tartankaan wada ciyaaraya xulalka Somalia Vs Tanzani.

Qalinkii:Aadam Aqyaar.