Uncategorized

Xuska 15-ka May oo habeenkii Labaad Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-KNN-Munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii 75 ee kasoo wareegtay aas aaskii dhalinyaradii SYL oo ku beegneed 1943 ayaa habeenkii labaad xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xuska 15ka May oo xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay   Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Ssoomaaliya , Duqa magaalada Muqdisho, Wasiirro ay  ugu horeyso Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xildhibaanno iyo marti sharaf kala duwan.

Dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay ayaa bogaadiyay dhalinyadii SYL qirayna in gobanima doonkii Soomaaliya ay ka soo ciyaareen kaalin lixaad leh.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhalinyadda Soomaaliyeed looga Baahanyahay in ay Dalka kasamata bixyaan dhibatadda uu ku jiro iyagoo ka tusaale qaadanaya dhalinyaraddi SYL ee Dalka gumeeysigii ka saaray.

Khayre ayaa dhalinta ku dhiiri galiyay in ay u diyaaar garoobaan sidii ay iyagu Dalkooda u maamuli lahaayeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha Madaxweeynaha Soomaaliya, Maxamed Mursal sheekh Cabdi raxmaan ayaa sheegay in “Dhalinyaradii SYL ay la dagalamayeen Cadow muuqda, balse dhalinyadda hadda ay la dagaalamayaan Cadow daahsoon”.

Dhamaan masuuliyiinta munaasabadda kasoo qayb galay oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro, xildhibanno, iyo xubno ka sicda Ururadda dhalinyadda ayaa si cad uga hadlay dhibaatadda dhalinyaraddu ay wajahayaan oo ay ugu horeeyso “Shaqo-la’aanta”, waxayna soo jeediyeen in dhalinyaradda loo abuuro fursado shaqo.