Muqdisho-KNN-Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 75-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku beegneyd December 20, 1943-dii.
1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu Booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed.
Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari.
1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo.
Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana xeran wadooyinka qaar ee muqdisho si gaar ah wadooyinka soo gala halka munaasabadu ka dhacayso waxaa halkaasi lagu soo bandhigi doonaa gaada ka cayaar iyo sidoo kale ruwaayado ka tarjumaya ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta ugu sareesa dalka ayaana ka qayb gali doona.
Taliyaasha booliska asluubta iyo kan xooga dalka ayaa hombalyo udiray dhamaan ciidamada booliska soomaaliyeed caruurtooda iyo xaasaskooduba.