Muqdisho-KNN-15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada SYL ayaa lagu wadaa in munaasabado lagu weyneynaayo lagu qabto qeybaha kala duwan ee dalka.
Munaasabadan oo siweyn looga weyneeyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku beegan markii la aas-aasay Ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL sanadkii 1943kii.
Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa la filayaa in maanta magaalada Muqdisho ay ku qabtaan munaasabado lagu xusayo 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Xaflad lagu xusayo Maalinta dhalin yarada Soomaaliyeed ayaa maanta laga dareemayaa Magaalada Caasimada Muqdisho.