Uncategorized

Xuska 74 sano guuradii ka soo wareegatay ee ciidamada booliska Soomaaliya oo Maanta lagu qabanayo Magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Munaasabad lagu maamuusayo xuska sanad-guuradii 74-aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Sanad walba 20-ka bisha December ayaa la qabtaa munaasabada lagu maamuusayo xuska sanad-guurada markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

 

Ciidamada Booliska ayaa la filayaa inay soo bandhigaan dhoolatus, waxaana munaasabada sanad-guurada ka qeyb geli doona Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan wakiilada beesha Caalamka,iyadoona Booliska Soomaaliya  la aas aasay sanadkii 1943.

Amaanka wadooyinka Soo galaya goobta lagu qabanaya munaasabada ayaa aad lo adkeeyay Amaankeeda sida ay soo sheegayaan Wariyaasha KNN ee ku sugan halka ay xaflada ka dhacayso.