Muqdisho-KNN-Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yeman ayaa sheegay in ay gantaalo ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha kaas oo ku yaalo gudaha Sucuudiga.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ay Riyadh sheegtay in ay soo riday labo diyaaradood oo ah nuuca drones’ka.
Wakaalada wararka ee Sucuudiga ayaa isniintii baahisay in ciidamada difaaca cirka ay soo rideen labo diyaaradood oo markaasi beegsanayay magaalada Khamiis Mushaydh, oo kutaalada Koonfurta Boqortooyada.
Balse Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in uu bartilmaamydku ahaa saldhiga Boqor Khaalid oo u dhaw magaalada Khamiis Mushaydh.
Bishii May’na Xuutiyiinta Yemen ayaa duqeeyay labo xarun oo shidaalka laga soo saaro. Xulufada uu hogaamiyo Sucuudiga ayaa ku biiray dagaalka Yemen sanadkii 2015’kii markaas oo ay taageero u fidiyeen dowlada uu hogaamiyo madaxwaynaha uu caalamku aqoonsanyahy ee Abd-Rabbu Mansour Had