Somali News

Xuutiyiinta Yeman oo kabaxaya goobo muhiim ah oo ay kaga suganyihiin dalkaasi

Muqdisho-KNN-Qaramada midoobe ayaa sheegtay in ay isla garteen falagaada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen in ay baneeyaan sadax dekad oo muhiim ah.

Qaramada ayaa sheegtay in heshiiska uu ku yimid wadahadal siyaasadeed oo lagu doonayo in lagusoo afjaro colaada Shan sano jirsaday ee dalkaasi kasoconaya.

Xuutiyiinta ayaa baneen doono goobahan muhiimka ah oo ay ku jirto dekadda Xudeyda mudo afar maalin ah gudahood oo ka bilaabanysa maanta oo sabti ah.

Heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahyd Qaramada midoobe ayaa sanadkii lasoo dhaafay dalka Sweden ku dhexmaray falaagada Xuutiyiinta iyo dowlada Yemen kaas oo lix bilood kahor burburay.

Qaramada midoobe ayaa Yemen u aqoonsatay in ay kajirto xaalad bini’aadannimo tii ugu darned caalamka iyadoona malaayiin ruux looga cabsi qabo in ay macluul u geeriyoodaan.