Uncategorized

Xuutiyiinta Yeman oo taageeray Soomaaliya, digniina u diray Imaaraadka.

Muqdisho-KNN-Xubin ka tirsan kooxda Xuutiyiinta ah ee ka dagaalanta dalka Yeman ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Maxamed Cali Xuuti oo ah madaxa Guddiga kacdoonka ee kooxdaas oo qoraal kooban oo arintaas kaga hadlayay ayaa soo geliyay barta Twetterka uu ku leeyahay waxa uuna dowlada Imaaraadka ugu digay in shaki ay geliso madaxbanaanida Soomaaliya.

“Waxaanu taageereynaa walaalaheen Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kaloo Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaasi xorta ah kuwaas oo cashar aan la ilaabeyn u dhigay Mareykanka, arrintaasina ku cibra-qaata intaanu waqtiga idiinka lumin” ayuu yiri Maxamed Cali Xuuti.