Somali News

Xuutiyiinta Yemen oo digniin u diray Mareykanka

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in aysan joojin doonin weerarada ay ku hayaan maraakiibta badda cas inkastoo Mareykanku uu ku dhawaaqay ciidamo cusub oo ilaalinaya badda.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Mohammed al Bukhaiti ayaa ku yiri.

“Waa wadeyna, inta Israel ay weerarradooda ku hayaan Gaza”

Waxa uu hadlay ka dib markii Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin uu ku dhawaaqay isbahaysi ka kooban 10 waddan si loo xakameeyo weerarada Xuutiyiinta.