Somali News

Xuutiyiinta Yemen oo markale duqaymo ka gaystay gudaha Sucuudiga.

Muqdisho-KNN-Falaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen ayaa sheegtay in ay duqeeyeen garoonka magaalada Hajran halkaasi oo ay sheegeen in fariisin ay u ahayd militariga Sucuudiga.

Warbaahinta ku hadasha afka Xuutiyiinta ayaa baahisay in weerarkan oo ilaa iyo haatan aanan laga warheenin qasaarihiisa uu dhacay galinkii hore maanta oo Talaada ah.

Garoonka magaalada Najran ayaa 840km waxa uu koonfur galbeed kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Riyadh isagoona kaabiga ku haya xadka ay wadaagaan dalalka Sucuudiga iyo Yemen.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga uu Sucuudigu horboodo ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay bartilmaa maydsadeen goobo ay dad shacab ah daganyihiin.

Wargayska New York Times ayaa sanadkii hore tabiyay in saraakiil sar sare oo sirdoonka Mareykanka katirsan ay daganyihiin Najran halkaasi oo ah goobta ay saakay Xuutiyiintu weerareen.

Balse Pentagon’ka iyo saraakiisha military ee dalka Mareykanka ayaanan wali weerarkani ka hadlin.