Somali News

Xuutiyiinta Yemen oo weerar ka fulisay gudaha Sacuudiga

Riyadh-KNN-Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa duqeysay ceelasha shidaalka ee shirkadda Aramco oo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

War kooxdaan ka soo baxay ayaa lagu sheegay inay bartilmaameed-sadeen ceelasha shidaalka ee shirkadda Aramco oo ah shirkadda ugu weyn ee shidaalka ka soo saarta dhulka boqortooyada Sacuudiga.

Yaxye Sareeya oo u hadlay kooxda Xuutiyiinta waxaa uu ku hanjabay inay sii wadi doonaan beegsiga xarumaha ilaha dhaqaalaha u ah dawladda Sacuudiga.

Warbaahinta Carabta qaarkood ayaa sheegay in dhawr gantaal ay ku dhaceen keyd shidaal oo ay shirkaddu ku leedahay magaalo xeebeedka Jiddah.