Somali News

Yaa loo saadaalinayaa inay noqoto hoggaamiyaha Jarmalka?.

Markii ugu horreysay, Ka dib taariikhda xisbiga ee 40 sano jirsaday, German Greens wuxuu ku dhawaaqay haweeneyda musharraxa ah ku matalaysa doorashada Hoggaamiyaha Jarmalka.

Waxay noqoneysaa taariikh siman oo ku xiran doorka adag ee Greens ay ka ciyaari doonaan doorashada guud ee bisha September oo xilka ay ku baneyneyso Angela Merkel.

Isniintii, Xisbiga wuxuu shaaciyay in Annalena Baerbock, oo 40 sano jir ah, ay noqoneyso qofka ay filayaan in xilka ay kala wareegto Angela Merkel, ka dib doorashada September. Ms Baerbock waxaa la saadaalinayaa in ay noqoto haweeneyda keli ah ee doorashada qeybta ka ah.

Inkastoo mar laga dhex arkay qalalaaso iyo fadeexado soo wajahay xisbiga, hadda waxaa la rajeynayaa in Greens ay qeyb wayn ka noqdaan dowladda soo socota.

Xisbiga talada haya, waxaa weli ka dhex taagan khilaaf la xiriira qofka musharraxa u noqonaya, balse xisbiga Green waxaa suuragal ah in uu helo isbaheysi cusub oo aad u ballaaran. Taas waxay noqon kartaa in Annalena Baerbock ay noqoto hoggaamiyaha Jarmalka.

Waxaa la billaabay in la barbardhigo haweenka da’da yar ee hoggaaminaya dalalka New Zealand iyo Finland.

Baerbock waxay dhalatay sannadkii 1980-kii, waa xilliga la aasaasay xisbiga ay hadda ka tirsan tahay ee Greens. Waxay waalidkeeda xilligaas u qaadeen fagaare uu ka dhacayay dibadbax ka dhan ahaa nukliyeerka.

Waxay nolosheeda ku qeexday biyaha iyo sunta lagu ridayay dibadbaxayaasha iyo macmacaankii ay guriga ka cuneysay ka dib isu soo baxa. Isku dhafka nolosha qoys dabaqadda dhexe ah oo uu matalo xisbiga Green ka maanta, ayey ka timid, taana waxayna sharaxeysaa dalabka ballaaran ee xilligan.

Sida lagu ogaaday ra’yi uruurin la sameeyay, xisbigeeda wuxuu haystaa 22% boqolkiiba codadka doorashada, waana xisbiga ku xiga midka Merkel ee CDU/CSU.

Xigasho:-BBC