Somali News

Yahuuda Ethiopia oo Dibadbaxyo Xoogan Ka dhigay Gudaha Israel

Muqdisho-KNN-Dibadbaxyaal careysan iyo Booliska Israel ayaa isku dhacay kadib markii ciidamadu ay toogteen wiil yar oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Isku dhaca ayaa waxaa ka dhashay dhaawacayada 47 Askari oo ka tirsan Booliska Israel, iyadoona xabsiyada ladhigay 60 ka mid ah dadkii mudaaharaadyada dhigayay sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Israel.

Solomon Teka, oo la sheegay in da’ahaan uu jiray 18 ilaa 19 sano jir ayaa Talaadadii la aasay iyadoona dhimashadiisa ay xigtay caro xoogan oo ka dhalatay.

Bulshada asal ahaan kasoo jeeda Ethiopia ee kusugan gudaha Israel ayaa kacabanaya faquuq ay sheegeen in ay ku hayaan ciidamada Israel iyagoona sheegaya in caruurtooda loo bartilmaamayd sanayo midabka madow.

“Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa muqaal lagasoo duubay galinkii dambe ee Talaadadii ku sheegay in ruux walba uu ka murugoonayo dhimashadii ku timid Solomon Teka”.

Yahuuda Ethiopia u dhalatay ee ku nool gudaha Israel ayaa lagu sheegaa in ay gaarayaan 140,000 oo ruux kuwaas 50,000 oo kamid ah ay ku dhasheen gudaha Israel.