Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa maanta waxa uu dhagax dhigay masjid iyo dugsi Qur’aan ku burburay qaraaxii dhawaan lagu weeraray xarunta degmada Hawl-wadaag.
Gudoomiye Yariisoow ayaa sheegay in lagu dhisayo xarumahan dawladeed barnaamijka Isxilqaan oo uu ku dhawaaqay mar sii horeysay madaxweyne Farmaajo.
Gudoomiyaha ayaa canaan kala dul dhacay Shabaab, waxaa uuna shacabka u tusmeeyay in ay iyaga duulaan ku yihiin.


