Somali News

Yeman oo QM ku eedeesay in ay la safatay falagaada Xuutiyiinta

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha uu caalamku aqoonsanyahay ee dalka Yeman Cabdi Rabbi Mansuur Haadi, ayaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe ku eedeeyay in uu la safan yahay dhanka falaagada Xuutiyiinta.

Warqad uu madaxwayne Haadi u qoray xoghayaha guud ee QM Antonio Gutters, ayuu ku sheegay in Martin Griffiths, oo ah ergayga u qaabilsan Yemen uusan dhex dhexaad ka ahayn wadahalada kala dhaxeeya Xuutiyiinta.

Sidookale madaxwaynaha dalka Yemen ayaa ku goodiyay in dowladiisu ay iskaga bixi doonto wadahadalada ay kula jirto QM haddii aanan wax laga qaban arinta ergayga.

Colaada Yemen oo bilbaabatay 5 sano kahor ayaa Qaramada Midoobe waxa ay waday heshiis ay garwadayn ka tahay oo lagu dhameenayo xiisada dalkaasi.

Haatan Yemen waxaa ku sugan malaayiin ruux oo laga deerinayo xaaladooda nololeed haddii aanan sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojin colaada dalkaasi kataagan.