Somali News

Yuusuf Garaad: “Dowladdu ha xaliso khilaafkaan markii horaba laga baaqsan karay”

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa war kasoo saaray shirkii jaraa’id ee saakay uu Muqdisho ku qabtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu kaga hadlay arinkaas waxa uu ku sheegay in aan la fududeysa Karin hadal jeedintii maanta “Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado, Wax ma dhimi karo dad baa leh, Laakiin ma doonayo in taas la isla gaaro, Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro” ayuu yiri.

Dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in ay xaliso khilaafkan soo cusboonaaday oo sida uu sheegay markii horaba laga baaqsan karay, “Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay”ayuu yiri Garaad.