Somali News

Yuu ahaa bartilmaameedka qaraxii ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa bartilmaameedka qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa mid miino.

Qaraxaas oo noociisu ahaa miinada soo booda ayaa xalay fiidkii ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta – degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, si gaar ah goob aan ka fogeyn Barta Control ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee xigta dhanka degmada Xamar-jajab.

Qaraxaas ayaa qeybaha hore ka haleelay gaariga wasiirka beeraha xukuumadda Soomaaliya, balse ma geysan khasaare ka badan burbur xoog leh oo soo gaaray gaariga, sida ay dad goobjoog ahaa u sheegeen Idaacadda Kulmiye.

Wadada uu ka dhacay qaraxaas, ayaa ah mid ay aad u isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo dhaq-dhaqaaqiisa magaalada uu xadidanyahay ayaa ku safra wadadan markii uu ka dhoofayo garoonka.