Somali News

Yuu u dhaxeeyey iska hor-imaadkii dadku ku dhintay ee ka dhacay bartamaha Muqdisho?

Muqdisho-KNN-Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho waxaa saakay ka dhacay iska hor-imaad dhex-maray koox hubeysan oo aan weli la shaacin cidda ay ka tirsanyihiin iyo ciidamo ka tirsan NISA, gaar ahaan kuwa ‘dharcada’.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo dhinacyadii israsaaseeyey ah ayaa ku geeriyootay halkaas, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Qofka dhaawamay waxa uu ka tirsanaa kooxdii soo weerartay goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, waxaana la wareegtay oo baareysa laanta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da oo saraakiil ka socota ay goobta soo gaareen dhacdadaas kadib.

Sida aan xogta ku helnay waxaa baxsaday qaar ka mid ah xubnihii weerarka soo qaaday oo aysan weli laamaha ammaanku shaacin cidda ay ka tirsanyihiin.

Iska hor imaadkaan waxa uu dhacay waaberigii hore ee saakay abaaro 6:30 am.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labada qof ee la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada dharcada ee NISA, kuwaas oo ilaalo ka haayey kaamirooyinka wadada geeskeeda ku xiran ee dhaq-dhaqaaqa magaalada lagala socdo.