Somali News

Yuusuf Daba-Geed oo ka hor yimid xil ka qaadistii Waare eedeyn kululna u jeediyay

Beladweyne-KNN-Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xalay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle uu xilka ka qaaday ayaa sheegay in uusan aqbaleyn xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Waare.

Yuusuf  Daba-Geed oo la hadlay KNN ayaa sheegay in reer Hiiraan ay mar hore aayahooda ka tashadeen, “Madaxweynuhu maleh xaafiis uu ku shaqeeyo reer Hiiraana mar hore ayey ka tashadeen oo ay xukunkiisa go’aan ka qaateen, mana aqbalayo xil ka qaadista uu sheegayo markii horana anigu xil uma doonan ee rag saaxiibadeeya ayaa iigeeyay, waayahaana nagama dhexeyn wax wada shaqeyn ah, hadii aan wada shaqeyneyno ayuu Madaxweyne Waare markaas awood u yeelan lahaa xil ka qaadisteyda,”ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar.

Yuusuf Hagar oo sii hadlayay ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay maareyn xumo canshuuraha la aruuriyo dadka reer Hiiraan, isagoo sheegay in Waare uu go’aan ka gaaray la kulanka waxgaradka reer Hiiraan.

“Markii uu yimid Hiiraan waxa uu joogay 20 cisho, intaasna muusan la waramin qof reer Hiiraan ah waxa uu hoos kasoo xirtay gurigiisa, isagoo dadka u dhow dhow u sheegay in uusan dooneyn in uu qaabilo hal qof oo reer Hiiraan ah, iyadoo Buundooyinkii go’een oo wadooyinkii burbureen ayuusan waxba ka qaban, subixii danbana Garoonka ayuu diyaarad ka raacay isagoo aan nagu wargalin,” ayuu KNN u sheegay Yuusuf  Daba-Geed.

Warqad xalay kasoo baxday xaafiska Madaxweyne Waare ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-Geed, waxaana isla warqadaas Guddoomiyaha gobolka Hiiraan loogu magacaabay Cali Maxamed Caraale.