Muqdisho-KNN-Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in uu Maraykanka kaga qeyb galayo Shir u dhaxeeya Madaxda Wadamada Africa iyo Dowladda Maraykanka.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay Soomaaliyana ay ka soo faa’iidday Waxyaabo badan oo dhinaca Ganacsiga iyo amaanka ah.
“Maanta waxaan Soomaaliya ku metelay shir ka dhacay Washington oo magaciisu yahay Shirka heer Wasiir ee Ganacsiga, Ammaanka iyo Dowlad Wanaagga” ayuu yiri Wasiir Garaad.
Shirka Waxaa looga hadlay ganacsiga dalalka Afrika dhexdooda ah iyo kan ay la leeyihiin ama ay la lahaan karaan Mareykanka ayuu yiri Wasiir Garaad.