Somali News

Tirada Soomaalida ku geeriyootay Shilkii Diyaaradeed ee Itoobiya oo korartay

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee ilaa 7 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay dalka Itoobiya.

Dadkaan oo intooda badan ku safrayay baasaboorada wadamo kale ayaa waxay u badan yihiin carruur iyo dumar waxaana la helay magacayada dadkaasi.

  1. Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo katirsan Xafiiska R/W Kheyrre
  2. Siraaji Xuseen Cabdi oo ka soo jeeda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya
  3. Sahro Saciid Xasan iyo Wiilkeeda Nasrudiin C/qaadir oo heesta dhalasha UK
  4. Aamina Ibraahim Odawaa iyo Gabadheeda Safiyo Faysal oo heesta dhalashada Canada
  5. Axmed Nuur Maxamuud oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Itoobiya Airline

Dowladda Itoobiya ayaa wada baaritaan ku aadan shilkaan diyaaradeed iyo wixii sababay, sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay baaritaan ku sameyso hiddo sidaha dadkii halkaasi ku dhintay si loo ogaado dadka ehalka ah.

Tirada dhimasha dadka Soomaalida ah ayaa laga cabsi qabaa in ay intaan ka badato sababtoo ah Soomaali badan ayaa ku safra baasaboorada wadamo kale oo ay ka heestaan dhalashadooda kuwaas oo lagu daray liiska dalalka ay dhalasha ka heestaan.