Somali News Uncategorized

Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya oo soo saartay digniino

Muqdisho-KNN-Iyadoo maalmahanba shacabka soomaaliyeed ay aad u hadal hayeen nambaro dadka cabsi galinayo kuwaasi oo kasoo wacaya dibada sida la sheegay,ayaa digniin arintaasi la xiriirta waxaa soo saartay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta soomaaliya.

Wasaaradda boostada iyo isgaarsiin xukuumadda soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebookga waxa ay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco hantida shacabka.

Halkan ka Akhriso Qoraalka wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.

Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.