Somali News

Dad badan oo ku geeriyooday daad ka dhashay roob ka da’ay dalka Tanzania

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dalkaasi.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa ka digay in roobabku ay sii socdaan illaa bisha May, wuxuuna ku booriyay qoysaska inay ka baxaan meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen. 

Ku dhawaad ​​200,000 oo qof iyo in ka badan 51,000 oo qoys ayay durba saameysay masiibada, ayuu raaciyay.

Roobab mahiigaan ah ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Burundi, kuwaas oo sababat dhibaato bini’aadantinimo.