Uncategorized

Ahlusunna oo sii deysay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Galmudug.

Dhuusa-mareeb-KNN-Waraka  ka imaanaya magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegay in dib xuriyadiisa u helay Maxamuud Cusmaan Beereey oo ah Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada maamulka Galmudug .

Siideysmada Agaasimaha madaxtooyada Galmudug ayaa timid ka dib markii amar uu ka yimid madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir kuwaas oo soo jeediyay in la sii deeyo Maxamuud Cusmaan Beerey Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug. oo shalay lagu xeray Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Xariga  Agaasimaha warfaafinta  Madaxtooyada galmudug Maxamuud Cusmaan Beerteey ayaa sida la sheegay salka ku haya kadib markuu shirjaraa`id qabtay ayuu uu aqriyay  wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf taas oo ku aadaneyn amaro laga soo saaray dhulalka ku yaala deegaano ka tirsan Galmudug.

Dhowrka sacadood ee uu xertnaa agaasimaha warfaafinta Galmudug ayaa la tilmaamay in ay jireen siyaasiyiin dadaal badan ku bixiyay sidii lagu sii deynlahaa iyadoona hadda dib xuriyadiisa u helay.