Uncategorized

Al-shabaab oo la sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Waxyaabaha laga sameeyo Nuclear-ka

Dowlada Soomaaliya ayaa Mareykanka si deg deg ah uga codsatey in ay Soomaaliya usoo diraan ciidamo dhulka ka dagaalama iyo sirdoon, si looga gacan siiyo waxa ay ku tilmaameen qatar ku soo socota Mareykanka, Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

Qoraalkan uu ku saxiixyahay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo ku socotay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa lagu faah faahiyey xiriir la sheegey inuu dhexmarey Al shabab-ISIS iyo Iran kaas oo salka ku haya macdanda Uranium ee laga farsameeyo hubka Nukliyeerka.

Warqadan ayaa lagu sheegey in Al-shabaab ay la wareegeen dhul ay ku keydsan tahay Uranium oo ku taala gobollada Galmudug ee Soomaaliya, taas oo ay dhici karto in looga dhoofiyo dalka Iran oo daneynaya.

Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in AMISOM aysan hada awood u laheyn in ay wax ka qabato qatartaas ay dowladu tilmaantey ee ka soo socota gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dowlada ayaa sheegtey in Mareykanka ay yihiin awooda kaliya ee wax ka qaban karta qatartaas soo fool leh.