News in English

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Shaqaalle ka tirsan hay’adda Miino baarista ee Hallo trus

Xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay werar geeystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku qaadaaneen Shaqaalle ka tirsan hay’adda Miina baadhka ee Hallo trus.

Inta la xaqiijiyay ilaa labo kamida ah Shaqaalaha hay’adda Miina baadhka ee Hallo trus ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in dhaawac uu kasoo gaaray ilaa sedex ruux oo kale

Shaqaalahaan ayaa ka tirsanaa hay’adda Miina baadhka ee Hallo trus oo ka Howl Gasho magaalada dhabbad ee gobalka galgaduud.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in markii Shaqaallah ka tirsan hay’adda Miina baadhka la weeraryay ay ku
sugnaayeen Goob ay hay’adu ka daganayd Duleedka Degmda Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaan wali hadlin dhacdadaan, waxaana xusid mudan in xiriiro aanu la sameeynay ay inoo suurta galin in aanu helno.