Somali News Uncategorized

Amb.Cali Shariif oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga safiirnimo

Muqdisho-KNN-Cali Shariif Axmed Safiirka cusub ee Soomaaliya uFadhin doona dalka Mareykanka , ayaa waxaa laga guddoomay waraaqihiisa danjirenimo isagoo kusugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu 17-kii bishii July  aynu soo dhaafnay ee Sanadkan, u magacaabay Cali Shariif in uu noqdo Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka  Mareykanka, waxaana magacaabista ka dib ay Dawladdu u ambabixisay magaalada Washington ee dalka Mareykan.

Magacaabista Safiirkan Cusub ee ay Dawladda Soomaaliya u magacawday dalka Mareykanka ayaa noqonaysa markii ugu horeysay muddo labo sanadood ah oo aysan Soomaaliya ku lahayn Mareykanka Safiir u fadhiya .

Amb.Cali Shariif Axmed ayaa mar soo noqday Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.