Uncategorized

AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay madaafiic isku weedaarsaday deegaanka Ceelasha Biyaha

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay deegaanka ay madaafiic isku weedaarsadeen Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in xalay dhawaqa iyo dirhanka madaafiicda laga maqlayay  deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay isku weedaarsanayeen AMISOM iyo Al-shabaab.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in markii hore Al-shabaab madaafiicda ay ku soo garaaceen deegaanka Ceelasha Biyaha laakiin madaafiicdaas ay ka jawaabeen ciidamada AMISOM oo fadhiisimo ku leh deegaanka.

Lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdaasi ay is dhaafsadeen ciidamada AMISOM iyo Kooxada Al-shabaab, ee xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.