Uncategorized

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo Nin Shabaab ah oo isku dilay Duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada Soomaaliya ayaa goor-dhaw lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Tabeelaha Shiikh Ibraahim waxaana la sheegay in ka hor inta uusan Geeriyoonin Askarigaan in uu dhaawacay Ninkii Shabaabka ahaa ee rasaasta ku furay.

Ninkii Shabaabka ahaa ee Bastoolada watay Islamarkaana dilay Askariga ayaa la sheegay in uu isagana u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaastii lagu furay waxaana Meydkooda la sheegay in la soo dhigay Laamiga Tabeelaha Shiikh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ah dhacdo ku cusub deegaanka waxaana aad u hadal haaya dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo gaaray deegaanka ayaa la sheegay muddo xireyn isku socodka Gaadiidka iyo dadka inkastoo hada ay caadi ku soo laabatay.