Uncategorized

Axmed Madoobe oo la kulmay Guddiyada Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Kan madaxa Banaan.

Nairobi-KNN-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa kulan la qaatay Guddiyada Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Kuwa Madaxa Banaan oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa Xubnahaan u sameeyay Casho Sharaf waxayna kadib ay kawada hadleen Xaaladda Dastuurka iyo halka ay mareyso dib u eegista Dastuurka, sidoo kale dhinacyada ayaa kawada hadlay Shirkii Dastuurka oo ay Jubbaland ka maqneed kaas oo dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed madoobe ayaa Guddiyada Dastuurka uga mahad celiyay Shaqada ay haayaan, waxa uuna kula dar-daarmay iney halkooda ka sii wadaan shaqada oo ay si Daacad ah u gutaan, isagoo xusay iney jiraan tabashoyin badan oo Soomaalida kala tabanayaan Dastuurkana uu yahay kii kala saari lahaa ama xalin lahaa.