Uncategorized

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya xaqsiinta ciidamada dowlada

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxay ka doodayaan hindise sharciyeedka xaqsiinta ciidamada dowlada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in kulankooda maanta ay ku balansanyihiin ka doodista xaqsiinta ciidamada dowlada iyo kuwa howl gabka ah.

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ayaa hindise sharciyeedkaan horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo maraya aqrinta labaad.

Guddiga ayaa sheegay in ay wax ka badaleyn Hindise sharciyeedkaan maanta horyaala mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka xiga ee Baarlamaanka Hindise sharciyeedkaan marsiin doonaan aqrinta sedaxaad.