Somali News Uncategorized

Booliiska oo gacanta ku soo dhigay nin gowracay wiil uu adeerkiis yahay

Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay sameyeen gacanta kusoo dhigay nin ku Eedaysan in uu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Boliiska ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil  uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab”

Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan,iyadoo la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh.