Somali News

Boqolaal ruux oo ku dhintay dhulgariir kudhuftay dalalka Turkiga & Suuriya

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.8 ayaa sababay dhimashada in ku dhow lix boqol oo ruux oo ku kala sugnaa koonfur bari Turkiga iyo waqooyiga Suuriya.

ilaa 912 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen Dalka Turkiga, waxaana dhaawac uu ka soo garay in ka badan 5,383  qof, halka sidoo kale 384  qof ay ku dhinteen Dalka Suuriya,dhaawacana uu gaarayo 639

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in “kooxaha raadinta iyo samatabbixinta ay isla markiiba u direen” goobihii uu dhulgariirku ku dhuftay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa illaa hadda ku howlan baadi goobka dadka ku hoos jira burburka dhismaha,waxaana cisbitaalada buuxiyay bukaanno vadan oo la ildaran xanuunno kala duwan.