Somali News

Ciidamada ammaanka oo joojiyay banaanbax ka socday Beledweyne

Ciidamada booliska Magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan  ayaa maanta  waxaa ay joojiyeen banaanbax looga soo horjeedo dhismaaha maamul goboleedyada Hirshabelle.

Dibadbaxa ayaa waxaa dhigayay qaar ka mid ah shacabka Banaanbaxa ayaa waxaa dhigayay qaar kamid shacabka ku nool  magaalada Beledweyne.

Banaanbaxayaasha oo isugu jiray haween, caruur, dhalin yaro iyo odayaal  ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku muujinayaan  daroonkeeda ku aadan dhismaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Taliyaha Booliska degmada Beledweyne laba Xidigle Maxamed Qorsheele oo saxaafada kula hadlay magaalada Beledweyne  ayaa sheegay in uu sharci daro ahaa banaanbaxa, isagoona sheegay in aan booliska lagu  soo wargelinin.

Maxamed Maxamuud Qoorsheel ayaa sheegay in aan Magaalada Baladweyne lagu qaban Karin Banaabax aysan ka war qabin hay’adaha ammaanka ee magaalada Beledweyne.