Uncategorized

Ciidamada Kenya oo la shaaciyay waqtiga dalka ay ka baxayaan

Muqdisho-KNN-Ciidamadda military-ga Kenya ayaa loo waqtiyeeyay in ay Soomaaliya uga baxaan muddo Labo Sano gudahood ah sida uu Daabacay Wargeeyska the standerd ee laga leeyahay klenya oo soo xiganaya Waqti ay uu uqabtay Golaha Amaanka ee QM.

Qorshaynta ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa waxaa ay imaaneysaa Todobbo sano kadib markii Kenya ay Biloowday Howlgal Magaciisu ayahy Linda Nchi Bishii October ee 2011 kii, ay uga hortagto Al-shabaab oo Weerarrro iyo Afduub ka geeysanaayay Kenya, gaar ahaan Gobolka Woqooyi bari.

Qarar uu soo saaray golaha Amaanka ee QM ayaa Sanadkii 2017 waxaa lagu sheegay in Ciidamadda Kenya ay Soomaaliya isaga baxayaan December 2020 Xilligaas oo Ciidamadda Soomaalida loo diyaarinayo in ay Amaanka la wareegaan.

Haddii Jadwalkaan uu u shaqeeyo Sidii loo qorsheeyay, Dhamaan 16 ka Saldhig ay joogaan Ciidamadda Kenya ee AMISOM hoostaga waxaa la wareegi donaa Ciidamadda Doowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.

Saldhigyadaasi waxay ku kala yaalaan Dhoobleey, Afmadoow, Faxfaxdhuun, Hoosingow, Kismayo oo labo saldhig ah iyo Degaano kale oo maamul goboleedka Jubaland ka tirsan.

Sanadkii lasoo dhaafay Dolwadda Kenya waxay AMISOM kala baxday 200 Askari taas oo qyb ka ahayd intii kaga soo aaday 1000 Askari oo laga dhimayt guud ahaan Howlgalka.

Sanadkaan Dabayaaqadiisana waxaa qorshuhu yahay in ay la baxaan 200 Askari.

Howlgalka ladagaalanka Al-shabaab oo Dowladda Kenya ayaa ka Bilowoday Gudaha Soomaaliya iyo Dalkaasi Kenya, wali ma aysan gaarin Hafadkii Howlgaladda laga lahaa, Alshabaab ayaa sidoo kale wali Weerarro ka geeysta gudak Kenya iyo Meelaha Ciidamadda Kenya ay Soomaaliya uga suganyihiin.