Somali News Uncategorized

Ciidamada Puntland oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay G. Bari

Ciidamada kala duwan ee amniga Puntland ayaa howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay duleedka magaalada Boosaaso iyo deeganada ku teedsan Buuraleyda gobolka Bari.

Hawlgalka ayaa waxaa uu daba socday weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso, kaasi oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Howlgalka ayaa intii uu socday ayaa waxaa uu dagaal dhexmaray ciidamada Puntland iyo Dagaalmayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ciidanka Puntland ay sameeyeen ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen, halka qaar kalena ay dileen raggii weerarka ku soo qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalku uu sii socon doono, isla markaasna ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish oo iyagu ku sugan qeybo kamid ah dhulka Buuraleyda ah.