Uncategorized

Ciidamada Soomaaliya oo saanad la`aan dardeed ugu sugnaan waaya deegaanada ay qabsadaan.

Muqdisho-KNN-Maalmahaan danbe ayaa waxaa jiray dhaliilo ka imaanayay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada taas oo loo soo jeedinayay ciidamada Soomaaliya oo todobaadkii hore la wareegay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo horay deegaanadaas ay ugu sugnaayeen Al-shabaab, laakiin isla maalin gudaheed ay isga soo baxeen ciidamadii dowlada ee deeganadaasi qabsaday.

Xildhibaan Axmed mayow Cabdule oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya oo KNN la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay ku gadaaaman yihiin duruufo kala duwan oo ku qasbaya in ay ka soo baxaan deegaanada ay la wareegaan ee ka tirsan Gobolada dalka.

Axmed Mayow Cabdule ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya saanad la`aan haysata awgeed ay ugu sugnaan Karin goobaha ay la wareegaan.

Xildhibaan Axmed Mayow ayaa soo jeediyay in marka hore xooga la saaro sidii ciidamada dowlada ay u heli lahaayeen waxa ay u baahan yihiin.