Somali News

Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay Gedo.

Dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada xoogga daka iyo kuwa Kenya ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in dadka deegaanka degmada Beled-Xaawo ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaasi.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dalka u dhexeeyay Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaan weli ka hadlay khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Kenya ayaa dhowr jeer waxaa ay ku dagaalameen xadbeenaadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.